Skip to main content

SHEEKo Wiil YAR IYO MACALIMAD

 SHEEKO QOSOL BADAN


Wiil yar ayaa weydiiyey Macallimad wax barta hadhow xiisadda kadib hadii ay firaaqo tahay, Wuxuu rabay inuu si gooni ah ula hadlo, Waxay ku tiri: "Haye" markii uu waqtigii soo dhowaaday ayay ku tiri: "Maxaad rabtay?".
Wiilkii yaraa baa yiri: "Waxaan dareemayaa inaan fasalkaan iyo anigu aanan isku heer ahayn waxaan kaa codsanayaa ma ii awooddaa in aad igu dartid ardayda dhigata dugsiga sare?"
Iyadoo loo tixgelinayo codsigiisii ayaa wiilkii yaraa loo diray Maamulaha Iskoolka wuxuuna go'aamiyay in laga qaado ardayga imtixaan qiimayn ah si aqoontiisa loo tijaabiyo.
♧Maamulaha: "4*3?"
■Ardayga: "12"
♧Maamulaha: "5×6?"
■Wiilkii: "30"
Maamulaha: "Waxaad sheegtaa caasimadda Japan?"
Wiilka: " Tokyo"
♧Maamulihii wuxuu su'aalaha weydiinayay ku dhowaad saacad hal su'aal ahna ma uusan qaldin, Kadib macalimadii baa codsatay bal inay iyasuna markeeda su'aalo weydiin karto waxay tiri: "Waxaad sheegtaa waa maxay waxa ay Lo'du afar ka leedahay anigana aan labo ka leeyahay?"
♧Maamulihii oo yaabay baa eegay macallimaddii!!
■Wiilkii yaraa: "Waa lugaha Macallin"
☆Macallimadii: "Sax weeye Waxaad sheegtaa surwaalkaaga wax laga helayo aan kayga laga heleyn?"
♧Maamulihii baa xishooday oo wajiga kaduuday!!
■Wiilkii: "Waa jeebka"
☆Macallimada: "Xagee laga helaa timaha adag ee leeyihiin dumarka?"
♧Maamulaha afkuu kala taagay!!!
■Wiilkii: "Africa"
☆Macallimadii: "Waa maxay waxa jilicsan oo ku adkaada gacmaha dumarka?"
Wadnahaa istaagay maamulihii!!
Wiilkii: "Waa Nail polish-ka dumarka cidiyaha marsadaan"
☆Macallimaddii: "Maxaa laga dhex helaa dumar iyo ragba bartamaha lugohooda?"
♧Maamulihii: Amakaag baa kasoo haray!!
■Wiilkii: "Waa jilbaha"
☆Macalimaddii: "Baraafo Waxaad sheegtaa waxa ay leedahay naagta la qabo kaasoo ka weyn kan gabadha aan la guursanin?"
♧Maamulihii wuu qaboobay!!
■Wiilkii: "Waa sariirta"
☆Macalimada: "Sheeg meesha jirkayga ka midka ah oo aadka u qoyan hadda?"
♧Maamulihii cirkuu eegay yaxyax dartiis.
■Wiilkii yaraa: "Macallin waa carabka"
♧Maamulihii wuxuu yiri: "Nacallaa fikirkayga xun ku taale adiga Jaamacad baan ku gayn anigana dugsi hoose baan ku laaban.
Waa Barnaamij wacyi gelin ah oo loogu magac daray Niyadaada kasaar waxa xun si edeb lehna u fikir.

Comments

Popular posts from this blog

waa maxay macnaha nolosha ?

  Macnaha nolosha  Majiro tacriif la isku waafaqsan yahay oo  oo tilmaami karto macnaha nolosha, dadka qaar waxay ku qeexaan in ay tahay farxad kuwa qaar hanti , caafimaad , ama qoys aad yagkeelato, kuwa qaar waxay ku soo koobaan waa dareeno kala duwan ee is biirsada sida jacaylka- murugada - nacaybka- carada- iyo wax walbo oo qofku dareemo. sida ugu fudud ee aadku ogaan karto macnaha noloshu waa in aad ogaataa sababta aad u nooshay,iyo ahdaafta ama goals ka aad ka leedaha noloshu waxa ay kuu qeexi doonaan kuuna jihayn doonaan noloshaada si dhib yar .

Isbar bar dhiga shirkadaha dalka iyo kuwa caalamka

  Elon musk ayaa aasaasay shirkad cusub oo la yiraahdo (X Holdings) . Shirkadaan ayaa noqon doonta mid isku maamusha shirkadaha Elon musk oo kala ah (SpaceX, Tesla, Boring company iyo neuralink.) X holdings waxa ay u shaqayn doontaa sida Alphabet oo ah shikada iska leh Google. Somalia waxaa ka jiro labo shirkadood oo midwaliba ay hoos imaadaan shirkado kala duwan. Hormuud iyo Dahabshiil Hormuud oo ay hoos imaadaan (Hormuud Telecom, Salaam Somali Bank, Taaj express, Hormuud University, Buruuj construction and Real Estate iyo Beco Electric) Dahabshiil group oo ay hoos imaadaan ( Somtel, Dahabshiil motors, Dahabshiil Real Estate, Dahabshiil Money transfer) Nala wadaag shirkado nuucaan oo kale ah hadaa taqaan. W.Q: Abdullahi M Ali https://www.dahabshiil.com/ 6 https://www.hormuud.com/